Ciidamo lagu laayay dalka Mali

53 Askari ayaa lagu dilay weerar argagixiso ah oo lagu qaaday xero militari oo ku taal waqooyi bari ee wadanka Mali.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badna ee lagu qaado ciidamada dalkaas.
Qof rayid ah ayaa sido kale ku dhintay weerarka ay gaysteen kooxaha hubaysan.
Wasiirka isgaarsiinta dalka Mali Yaya Sangare ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in baaritaan ay socdaan sido kale meydadkana la aqoonsaday.
10 qof ayuuna sheegay inay ka badbaaday weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here