Ciidamo loo diray deegaan dad shacab ah lagu laayay

Ciidamada Milateriga Soomaaliya gaar ahaan Qeybta 27aad ayaa lagu soow warramayaa inay ku baxeen deegaanka Xaluulle ee duleedka degmada Warsheeke oo xalay dad isku qoys ahaa si arxan darro loogu dilay.
Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliay ayaa sheegay in Ciidankaan ay marka hore tegi doonaan degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe, kadibna ay u gudbi doonaan deegaanka Xalluulshe, si loo sugo amniga halkaasi looba baadi goobo Kooxdii Hubaysnayd e halkaas dhibaatada ka gaysatay.
Waxayna Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya bilaabi doonaan howlgal ballaaran si loo soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarkii lagu laayay dadkii isku qoyska ahaa ee ku sugnaa hal goob kuwaasoo dhamaantood ahaa dad Birimagayda ah.
Weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Xaluulle ee duleedka degmada Warshiikh ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday hooyo Umul ahed iyo laba caruur ah oo ay dhashay, halka laba qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loo qaaday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay falkaasi, waxaana uu sheegay inuu ahaa mid arxan daran,isla markaana ka fog Diinta Islaamka iyo binu Adamnimada labadaba.Maamulka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayuu ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada arrintaas aysana sababin fidno kale, kooxdii falkaas geysatayna la soo qabto si Cadaaladda loo horgeeyo.
Weerarada dilalka arxan darrada ah ayaa kusoo batay degaannada hoostaga degmooyinka Warsheekh & Cadale ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana 16-kii Bishii Sebtembar ee sanadkaan 2020 lagu dilay Tuulada Burdheera oo hoostaga degmada Cadale lix Macalin Dugsi Qur’aan, iyadoo aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo Maxkamadeeyay falkaas.
Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka dhulka-howdka ah, waxaana dhacadaas lagu sheegay inay la xiriirto aanooyin qabiil oo muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, aana wali lagu guulaysan in la soo afjaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here