Ciidamo Qarax lagula eedgta agagaarka Lafoole

Wararka ka imaanaya deegaan Duleedka ka ah Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax lagula eegtay degaanka lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in qarax oo ahaa miino lagu Aasay Maqaaxi ku dhegan bar-koontorool oo Ciidamada dowladda ay lacago ku qaadaan oo ku taalla degaanka lafoole.
Wararka la helay ayaa waxaay sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba askari halka ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo ahaa Shacabkii ku sugnaa Goobta maqaayada ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka tegay dhinaca degaanka Ceelasha Biyaha ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo ka sameeyay howlgallo ay ku baadi-goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxa wallow aysan dad u qaban.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, iyagoo iyagoo intaas ku daray inay dhimasho iyo dhaawac u gaysteen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxyada loo adeegsado miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa kusoo batay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxaana inta badan lala eegtaa askarta Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee u kala gudbaya deegaanada kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here