Ciidamo xirtay mid ka mid ah wadooyinka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida hubeysan oo mushaar la’aan ka gadoodsan ayaa xirtay wadooyinka soo gala taalada daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Qaar ka mid ah Ciidamada oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in la geeyay Garoonka Diyaaradaha degmada Deeyniile si ay u ilaaliyaan, hayeeshee muddo Saddex bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.
Waxaa ay sheegeen in cabashada dhanka mushaaradka ah ay u gudbiyeen Saraakiisha ka sareysa, hayeeshee ay ugu jawaabeen in aysan u heyn wax xaqquuq ah, isla markaana meesha ay ku kala tagaan.
Ciidamadaan gadooday oo tiro ahaan sheegay inay dhan yihiin 90 askari ayaa waxaa muddo ku dhawaad saacad kadib u yimid saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda, iyada oo ugu dambeyn ay dib u fureen isku socodkada dadka iyo Gaadiidka ee wadooyinka soo gala taalada daljirka Daahsoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here