DHAGEYSO:Ciidanka amaanka Soomaaliya oo ku guulaystay inay gacanta ku dhigeen dad aftuub gaystay.

132

Maamulka degmada Dharkeenley iyo taliska Ciidanka Booliska degmadaas ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal Ciiidamada ammaanka ay ka sameeyeen degmadaasi oo ay kusoo furteen Shaqaale ka shaqaynayay Shirkad bixisa Adeega internetka oo la afduubtay.
Guddoomiyaha degmada Dharkeenley Abuukar Axmed ayaa sheegay in kadib markii lagu soo wargaliyay in la afduubtay mid kamid ah Shaqaalaha shirkadaas bixinaysay adeega internetka ay howlgalo baaritaanno ah sameeyeen ayna kusoo heleen qofkii la afduubtay.
Waxa uu gudoomiyuhu sheegay inay baxsadeen qaar kamid ah dadkii afduubka gaystay kadib markii ay ogaadeen in Ciidamada amaanka oo ku raad jooga balse ay soo qabteen gaarigii afduubka loo adeegsaday, darawalkii ka xaynayay iyo askarii qayb ka ah raga afduubka gaystay.
Waxa uu intaa ku daray gudoomiyaha degmada dharkaynleey in kooxda afduubka gaysatay ahaayeen Shabakad isku xiran oo ka jirtay degmada dharkeenley horayna ay dadka u afduuban jireen,lacag madax Furasho ahna ka qaadan jireen.

Dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub Magalada Muqdisho marka loo eego sanadihii ugu dambeeyey,waxaana maamulka degmada Dharkeenley ay sheegeen inay wali baadi goobayaan Xubnaha kale ee ka tirsan kooxdaan afduubka gaysta ee baxsaday si cadaaladda loo horgeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here