Ciidanka dowlada iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay gobolka gedo

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmadaas,halkaasna uu ku dhex maray dagaal kooban.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee degmada Baardheere ayaa sheegay inay ka warhayeen weerarka AL-shabaab ayna iska difaaceen,sidoo kalena ay dagaalkii dhacay ku dileen hal xubin mid kalena nolosha ku qabteen,walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya arintaasi.
Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa 25-kii Bishii la soo dhaafay ee Febaraayo waxaa Al-Shabaab xilli habeen ah ku dileen degmadaas saddex Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsanaa Maamulka degmada,waxaana taasi ay walaac ku abuurtay shacabka ku nool degmadaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno degmada Baardheere ayaa waxaay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidanka Dowladda ay daafaha Magaaladaas ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo amaanka lagu sugayo.
Dhan kale warka aan ka helayno degmada doolow ee isla gobolka gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysaya degmadaasi ay xalay howlgal qorsheysnaa ka fuliyeen Hoyga Wasiirka Amiga Jubbaland ee degmadaas,iyagoo howlgalkaas hub kusoo qabtey.
Saraakiil Ciidan ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,waxaana la sheegay in Ciidamada Guriga ay kasoo bixiyeen Rasaas iyo laba Qori oo ah kuwa loo yaqaano BKM-ka iyo qoryo kale.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka danbaysay in howlgalkaan laga fuliyo Hoyga Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowladda Soomaaliya kuna sugan Magaalada Mandheera ee dalkani Kenya.
Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in Ciidamada sidoo kale ay howlgallo ka sameeyeen xaafadaha qaar ee degmada Doolow walow aan la shaacin waxyaabaha ay kusoo qabteen,waxaana wararka saaka la helayo halkaas ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxaay Ciidamo kala duwan geysay degmooyinka,Baardheere,Doolow, Beled-Xaawo iyo degmooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here