Ciidanka dowlada iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Xalay halkaas uu dagaal ku dhex amray Ciidamada dowladd Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab xuno ka tirsan ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal Saacad sida ay warbahainta gudaha Soomaaliya Baahisay.
Sarkaal u hadlay Ciidamada dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana weerarka uu ahaa mid ay ka warhayeen,kadib markii lala soo wadaagay xogta weerarkaasi
Sarkaalkaan ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay degmada Garbahaareey ay Shabaab uga dileen laba qof sidoo kalena ay ka furteen saddex qori oo mid ka mid ah uu yahay Qoriga Sabanka ama Baasuukaha loo yaqaano,sidoo kalena dhinacooda uu jiro khasaaro dhaawac ah oo askarta qaarkood soo gaaray.
Al-Shabaab weli dhankooda wax war ah kama soo saarin dagaalka xalay Ciidamada Dowladda ay kula galeen degmada Garbahaareey ee Xarunta ee Gobolka Gedo,waxaana wararka aan saaka halkaas heleyno ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay duleedka degmada Garbahaareey ka wadaan dhaq dhaqaaqyo ammaanka Magaaladaas iyo Nawaaxigeeda lagu sugayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here