Ciidanka Dowlada iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay shabeelada Hoose

Warka aan helayno ayaa sheegaya in Dagaal in Mudo ah socday uu Ciidanka dowlada fedraalak Soomaaliya iyo dagaalameyaasha Al-shabaab ku dhex-marey degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid,kadib markii ay Al-Shabaab weerar Madaafiic ku bilaawday ku qaadeen degmada Awdheegle,waxayna dadka goobjoogayaasha ah ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socdey ku dhow saacad.
Dad ku sugan degmada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ayaa waxaa warbaahinta u sheegeen in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan ,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha soo gaarey labada dhinac maadaama xilli habeen ah uu dhacay dagaalkaasi.
Saraakiil ka tiran millateriga Soomaaliya ayaa dhankooda waxay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaalada degmada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo iyo Howlgallo ka socda gudaha degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee ka agdhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here