Ciidanka dowlada oo dib ula wareegay deegaanka Daynuunay

Wararka lka imaanaya deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Barqanimadii Maanta ay Ciidamada dowladda dagaal kula wareegeen deegaankaas,kadib markii ay Al-Shabaab saaka qabsadeen halkaasi.
Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaay goobjoogayaal sheegeen in saakay ay dagaal kula wareegeen deegaanka Deeynuuneey oo qiyaastii 25km dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka,iyagoo dadka ku nool deegaankaas ka codsadey inay la Shaqeeyaan.
Hayeeshee Ciidanka dowladda ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deeynuunaay,isla markaana waxay dib ugu la wareegeen dagaal saacad ka badan socdey,sida uu warbaahinta gudaha u sheegay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee gobolkaas ku sugan.
Dagaalka ka dhacay deegaanka deeynuunaay ayaa waxaa la sheegay inuu qasaare dhaliyay balse Ciidanka dowladda ayaa haatan gacanta ku haaya deegaankaas,kadib markii Al-Shabaab laga saaray.
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladu ay degantahay Gudaha iyo daafaha Magaaladana lagu arkayo Ciidanka dowladda oo wata Gaadiidka dagaalka dhaq dhaqaqysns sameynays.
Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed weli wax faah faahin ah kam bixin dagaalka Maanta deegaanka Deeynuunaay ee Gobolka Baay ku dhex-marey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here