Ciidanka Dowlada Soomaaliya oo deegaano Kala Wareegay Al-shabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee guutada 16aad ee Danab ayaa saakay Howlgal Al-shabaab looga saarayo Dhulka xeebta ah ka bilaabay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgalka sigaar ah waxay uga sameeyeen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marka oo dhamaantood hoose yimaada Magaalada Marka, waxaana la sheegay inay la wareegeen deegaanka Dhanaane oo ay ku sugnaayeen dagaalameyaasha Al-shabaab.
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik oo la hadlay Idaacada codka Ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in Al-shabaab saakay laga saaray Degaanka Dhanaane ee Gobolka shabellaha Hoose.
Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale Xusay in Ciidamada Kumaandooska ay gaareen degaanada Gandarshe iyo Jilib marko halkaasi oo Al-shabaab ay ku sugnaayeen isagoo intaasi raaciyay inay howlgaladaan sii socon doonaan ilaa Shabaabka laga wada Saaro deegaanada gobolka shabeelada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here