Ciidanka dowladda iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Warka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaal geystay khasaare kala duwan uu xalay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Xubnaha ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee degmada Buulo Burde,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in mudo ah socday sida ay warbahainta gudaha Soomaaliya tabinayso.
Dadka ku nool degmada Buulo Burde ee gobolka hiiraan ayaa gudaha u sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku is waydaarsanayeen labada dhinac, balse aysan cadeyn karin khasaaraha rasmiga ah ka dhashay maadaama ay xilli habeen ah aheyd.
Wararka saaka laga helayo degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan,hayeeshee Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo wata Gaadiidka dagaalka ay howlgal ka wadaan duleedka degmadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here