Ciidanka Dowladda oo Shabaab kula dagaalamay shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada hoose ayaa sheegaya Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaannada Sabiid & Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka Afgooye.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid Al-Shabaab,isla markaana ay nolosha ku qabteen qaar kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Saraakiisha sidoo kale sheegay inay heleen xogta ku saabsan weerarka Al-Shabaab,isla markaana dagaal kooban ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degaannada Sabiid & Caanoole oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, balse Ciidamada Dowladda ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnihii ka Shabaabka ee soo weeraray.
Dhanka kale Ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ururka 143Aad ee guutadda 14 October oo Fadhigoodu yahay degaanka Bariire ayaa Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab waxaay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga Bariire.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana intuu socday ay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tuulooyinkaas ku sugnaa.
Sidoo kale waxaay saraakiishu sheegeen inay soo saaray Miinooyin Al-shabaab ku Aaseen wadda xariirisa Bariire iyo degaanka Number 50, oo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen weeraro kala duwan.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa mararka qaar waxay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeellaha Hoose, ayagoo mararka qaar weeraro kala kulmaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here