Ciidanka dowladda Soomaaliya oo labo ruux ku dilay Muqdisho

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa labo ruux ku dilay Xaafadda Saybiyaano ee degmada Hodan Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Labada ruux ee la dilay waxaa ka mid ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu Magacaabo Cabdi Shakuur Maxamed Ibraahim.
Dilka waxaa geystay Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana goobjoogayaal ay xaqiijiyeen in dilka ka hor uu jiray Muran labada dhinac ah.
Ciidanka Booliska ayaa xarunta CID keenay Meydka labadda ruux, waxaana ay sheegeen in ay baaritaano ku sameyn doonaan.
Ma cadda ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka loo geeystay labada qof. ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here