Ciidanka ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed oo Amarro lagu Soo rogay

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa laga soo saaray amaro Askarta ku wajahan.
shir ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta ka howlgasha deegaanada Maamulka koonfur Galbeed waxaana looga arinsanday amaanka degaannada koonfur Galbeed ,ayaa laga soo saarey Awaamir ku socota Askarta dilka ama faldambiyeedyada kale geysta kuwaasoo u hogaansami waayo Amarka Taliska Sare.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin daruur iyo Gudoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 60aad Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin udirey Ciidamada Qalabka sida waxaana loo sheegay in sharciga la kor gaynayo askari kasta oo aan u hogaamsamin amarka Taliyihiisa ama gaysta falal amaanka lidi ku ah.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa dhankiisa Ciidamada qalabka sida farey inay u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka u degsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan .
Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa Taliyaha qeybta 60aad Ciidamada Xoogga wuxuu uga digey in Siyaasada faraha la galaan.
Guud ahaan Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxana Awaamiir la siiyay Ciidamada qalabka sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here