Ciidanka maamulka Galmudug oo howlgalo ka sameeyay gobolka Galgaduud.

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Booliska Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baxdo oo kamid ah deegaanada hoos yimaada Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxay ku sheegeen inuu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana looga hortagao dadka looga shakiyo inay falal amni darro ka geystaan deegaankaas.
Dad ku sugan deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in howlgalka xalay ilaa saakay uu ka socdo degmada Baxdo iyo tuulooyinka hoostaga,isla markaana uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga deegaankaasi.
Saraakiisha Ciidamada NISA & Booliska Galmudug ee howlgalka hoggaaminaya weli ma shaacin dad ay kusoo qabteen howlgalka ay ka wadaan deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Deegaanka Baxdo ayaa waxaa uu kamid yahay deegaannada ugu amniga wanaagsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya,iyadoo mararka qaar ay howlgallo qorsheysna ka fuliyaan Ciidamada Booliska maamul goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here