Ciidanka Maamulka Jubaland oo faahfaahin ka bixiyay howlgalo ka dahcay Jubooyinka

Ciidamada Daraawiishta Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa sheegay inay saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaanada miiyiga ah ee ku dhow deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan uu yimid, kadib markii ay cabasho u soo gudbiyeen dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada ku dhow Cabdalla Biroole.
Saraakiisha ma faah faahin waxyaabaha ay kusoo qabteen howlgalkaas,waxaana wararka laga helayo deegaanada ay howlagaladaasi ka dheceen sheegayaan in Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ay dib uga soo laabteen deegaannadii ay howlgalka ka fuliyeen islamarkaana Al-Shabaab oo markii hore gacanta ku haayay ay dib ugu soo noqdeen.
Deegaano iyo degmoyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaa Saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Jubbaland, waxaana saraakiisha Ciidamada Dowladda qeybta 43aad ay sheegaan inay iska difaacaan weeraradaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here