Ciidanka Puntland oo qabtay gaari laga soo dhacay dhanka Galmudug

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca loo yaqaan Probox, oo todobaad ka hor laga soo dhacay Galmudug gaar ahaanna Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliisku ay ku guulaysteen soo qabashada Gaarigaas oo midabkiisu caddaan yahay, taargadiisuna tahay CN 721.
Qoraalka Taliska, laguma faahfaahin wakhtiga gacanta lagu soo dhigay Gaarigaas, halka laga soo qabtay iyo haddii ay jirto in la qabtay ciddii soo dhacday, balse keliya waxa lagu soo kooban in Gaariga ay gacanta ku dhigeen Booliiska.
Sidoo kale, waxay ballan-qaadeen in ay xoojin doonaan Wada-shaqaynta Laamaha Amniga Puntland iyo Galmudug, oo ka hawlgala labada dhinac ee Gobolka Mudug, si la isaga kaashado Sugidda Amniga Gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here