Ciidanka Soomaaliya iyo Al-Shabab oo Hiiraan ku dagaalamay

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Dagaalka Culus uu xalay ka dhacay Xarun ku taalla duleedka Magaalada Beledweyne,wuxuuna u dhex-maray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya iyo Xubnaha Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen Xarun Ciidamo ka tirsan NISA gaar ahaan mid la sheegay in lagu dhaqan celiyo Ragga kasoo goosta Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Waqooyi magaalada Beledweyne, waxaana dad ku nool degaankaas ay sheegeen in dagaal culus oo muddo socday uu halkaasi ka dhacay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana saddex Xubnood ay ka dileen,waxaana sidoo kale dagaalka ku dhaawacmay Haweeney kamid ah dadka ku nool degaanka Ceel-jaalle ee ka barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degaanka Ceel-jaalle ee duleedka Magaalada Beledweyne ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka wadaan duleedka Magaalada, iyagoo baadi goobaya raggii ka tirsanaa shabaabka ee weerarka ku soo qaaday fariisinta Ciidanka nabadsugida ee Ceell-jaalle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here