Ciidanka Soomaaliya oo howlgalo Biino baaris ah Sameeyay.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya eek u sugan shabeelada Hoose ayaa waxay Howlgalka ka fuliyeen waddada xiriirisa deegaanka Janaale iyo magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay halkaas miinooyin badan ku aaseen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Taliyaha ciidanka dhulka, Janaraal C/xamiid Maxamee Dirir, ayaa howlgalka hogaaminayay, waxayna ciidanka ku guuleysteen inay miinooyinkaas ka soo saaraan waddada isla markaana qarxiyaan.
Taliyaha ayaa sheegay in intii lagu jirey howlgalka ay ciidanka socod lug ah ku mareen deegaanka Buufow Bacaad oo u dhexeeya Marka iyo deegaanka Janaale.
U jeedada howlgalkan ayaa taliyaha ciidanka dhulka waxaa uu sheegey in lagu xaqiijiyay amniga deegaanada u dhexeeya Janaale iyo degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose.
Wararka ayaa intaas ku daraya inaysan jirin wax khasaare ah oo ciidanka ka soo gaaray intii lagu jirey howlgalka Miino Baarista ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here