Ciidanka Xooga iyo AL-shabaab oo ku dagaalamay shabeelada dhexe

waxay Faah faaihno dheeraad ah kasoo baxayaan dagaalo ku dhex-marey Ciidamada Dowladda & Xubno ka tirsan Al-Shabaab deegaannada Raaxooy iyo Ceelka Geeloow oo hoostaga degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayay wararku sheegayaan inay kolonyo ka tirsan Ciidamada Burundi oo kamid ah AMISOM weerar jidgal ah ku qaadeen xilli ay marayeen deeganka Ceelka Geeloow oo u dhow Tuulada Qalimow ee degmada Balcad,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya baahisay.
Dhinaca kale xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Fariisin Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Raaxooy oo ku yaalla inta u dhaxeya degmada Balcad iyo Tuulada Qalimow ee isla Gobolka Shabeellaha Dhexe.
dad Goobjoogayaal ah ayaa warbahainta u sheegay in deegaanka Raaxooy uu ka dhacay dagaal socdey in ka badan Saacad oo u dhexeyay Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen walow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya arintaasi.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka laga helayo wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo fariisin ku leh deegaannadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here