Ciidanka Xooga Soomaaliya oo Howlaglo ka Fuliyay gobolka Baay

Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor e Gobolka Baay ayaa sheegaya in Milarariga Soomaaliya ay howlgallo ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degmadaasi.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa Saraakiisha qeybta ka ah ay sheegeen inay ka fuliyeen tuulooyinka gurman iyo gurbaan oo hoostaga degmada Diinsoor,halkaasoo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa dhankiisa Xaqiijiyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ay howlgalkaas guulo ka gaareen,ayna khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Waxaa uu Xusay in dagaal kooban ay la galeen Ururka Al-Shabaab,isa markaana weli Ciidamadu ay wadaan howlgallo lagu donayo in Al-Shabaabka looga saaro deegaannada hoostaga degmada Diinsoor.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here