Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo Howlgalo Qorshaysan Fuliyay

Kadib howlgal ay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Lafaha Ragga oo u dhow deegaanka kale ee birta dheer oo magaalada kismaayo ee Xarunta Jubada hoose u jira 60 KM ayaay Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay waxay sheegeen inay la waregeen degaankaas ayna Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee Danab halkaas ka Samaysteen Fariisin.
Deegaankaan ayaa ahaa Marin Muhiim ah oo xoogga shabaabku uga kala gooshin jireen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya
Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee DANAB gaar ahaan ururka 5-aad waxaana Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska xoogga dalka DANAB G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin uu sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Xubnaha Shabaabka ee halkaas ku sugan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga saaraan dhanaam deegaannada ay maamulaan Maamulka Jubaland ugana hortagaan weerarada ay ka fuliyaan mararka qaar deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here