Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay magaalo ay shabaab Maamuli jireen

Ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ka fuliyay deggaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana saraakiisha Ciidankaan hogaaminaysa ay sheegeen inay la wareegeen degmada Kuntuwaareey ee Gobolka shabeelada Hoose halkaasoo ay gacanta ku hayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale ay saldhigga degmada Kuntuwareey ka sii daayeen dad Shacab ah oo u xirnaa Al-Shabaab.
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada ay weli howlgallo ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee degmada Kuntuwaareey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here