Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo xaliyay colaado beeleed ka jirya gobolka Mudug.

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ee howlgelinta oo uu hoggaamiyo Gaashaanle Dhexe Cabduqadir Maxamed (Gasaawe) oo maalmo kohor gaarey deegaanka dhagtuur ee gobolka ayaa xaliyey xiisad ka dhex jirtay Maleeshiyaad isku deegaan ah taas oo salka ku heysay baraago deegaanka laga qoday oo mid ka mid ah Maleeshiyaadku ay ka biyo diiday.
Sidoo kale waxaa goobta ku sugnaa masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire (qoodar) iyo saraakiil kale, iyagoo ku guuleystay xalinta khilaafkii labadaasi beelood.
Saraakiisha taliska iyo masuuliyiinta kale ee gobolka Mudug ayaa labada dhinac kulamo ay la qaateen kadib sheegay inay ku guuleestay in la aaso ama la duugo dhamaan baraagihii lagu muransanaa waxaana dhinacyadu isla garteen in arinta deegaanka loo saaro guddi ka kooban 14 xubnood oo laamaha amniga kala shaqeeya xaalada amni ee deegaanka iyo xalinta tabashooyinka yar yare e wali jira
Ugu dambeyn guddiga howshan ku jiray ayaa sameeyey xirmo dhuleed ka caagan deegaameysiga gaar ahaan in laga qodo baraago si looga baaqsado isku dhacyo halkaa ka yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here