Ciidanka Xoogga oo deeganao Hor leh la wareegay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay holwgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa warbaahinta u sheegeen inuu howlgalkooda ahaa mid qorsheysan ayna ku doonayeen sidii ay Al-Shabaab kaga saari lahaayeen deegaannada ay ka maamulaan tuulooyinka hoostaga degmad Qoryooleey ee gobolka shabeelada dhexe.
Mid kamid ah Saraakisha Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay Ciidamadu la wareegeen tuulooyinka,Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xera koowaad & Xera labaad oo dhamaantood hoostaga degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.
Saraakiishu ma sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka,waxaana dadka degaannadaas qaarkood ay sheegeen inay mararka qaar maqlayaan rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada Dowladda.
Wararkii ugu dambeeyey ee Saaka naga soo gaaraya deegaannada lala wareegay ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay weli halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay kula wareegaan deegaano kale oo wali la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagalameyaasha AL-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here