Ciidanka Xoogga oo dhaqdhaqaaqyo ka wada gobolka Shabeelada Hoose

Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gobolka Shabellada hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaq ay ku doonayaan inay Al-Shabaab kaga saaraan degaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaaasi.
Deegaanka Awdeegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ku sugan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Lugta Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo ay wehliyaan Maamulka Gobolka Hoose,waxayna Ciidamada kala hadlayaan bilaabashada howlgallada Al-shabaab ka dhanka ah ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Taliye Dirir ayaa sheegay in Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay meel kasta ugu tegi doonaan Al-Shabaab oo ku sugan meelo ka mid ah Gobolka shabeelada hoose, isagoo xusay inay rajeynayaa in goor dhaw uu gobolka Shabeellaha Hoose noqdo meelaha loo dalxiis tego marka ciidanku ay deegaannadaas dhamaantood ka saraan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa bogaadiyay sida wanaangsan ee ay ciidanka u gudanayaan waajibaadkooda,isla markaana looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here