Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo howlgalo ka wada shabeelada Hoose.

Ciidamada Milarariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay Howlgalo kala duwan oo amaanka lagu xaqiijinayo ay maanta ka wadaan deegaano iyo degmooyin hoos taga gobolka shabeellada Hoose.
Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya guutada 16-aad ee Danab ayaa howlgal ay halkaas ka fuliyeen waxay shalay kula wareegay Dhulka xeebta ah ee Degaanada Dhanaane,Gandarshe iyo Jilib Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in Al-shabaab deegaannada laga saaray qmmaankooda at yihiin kuwo wanaagsan,isla markaan ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda.
Gaashaanle Cismaciil Cabdi Maalik waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Kumaandooska ay ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ilaa ay ka saaraan deegaannada Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here