Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo la wareegay deegaano hor leh

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa Jamhuuriyada Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay howlgallo Amni xaqiijin ah ka sameeyeen degaano Galbeed ka xiga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaay sheegeen inay ka jawaabayeen weerar hoobiyeyaal ah oo habeen ka hor Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne.
Abaanduulaha qeybta 27aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay howlgalkaas kula wareegeen degaanka luuq Jeeloow oo 25km dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Beledweyne,halkaas oo uu sheegay inay ku xooganayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Takiyuhu Waxaa uu Xusay inay burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab Gaadiidka lacago uga qaadijireen,sidoo kalena ay kasoo furteen Maxaabiis laba ah oo heysteen,ayadoo howlgalkaas uu noqon doona mid sii socda.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno degaanada hoostaga Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli duleedka Magaaladaas ay Ciidamada Dowladda ka wadaan howlgallo kala duwan oo amaniga lagu xaqiijinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here