Ciidanka Yamen oo si buuxda ula wareegay magaaladda Caden.

Ciidamada daacadda u ah xukuumadda Yemen ayaa dib u qabsaday magaalada Cadan ee dhanka Koonfureed oo ay horaantii bishan ka saareen gooni u goosato ay markii hore xulufo ahaayeen.
Wasiirka warfaafinta, Mucammar Al-Eryaani, ayaa sheegay in ciidamada dawladda iyo maleeshiyaad taageersani si buuxda ula wareegeen magaalada oo ay markii hore qabsadeen madaarka iyo qasriga madaxtooyada.
Hase yeeshee mid ka mid ah taliyeyaasha maleeshiyaadka gooni u goosadka ah ayaa sheegay in ay weli gacanta ku hayaan magaalada badankeeda.
Dagaalka Cadan ka socdaa wuxu muujiyey khilaaf dhex yaal xulufada Sucuudigu hogaamiyo ee taageeraysa xukuumadda Yemen ee dagaalka Sokeeye ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here