Ciraaq oo daldashay 21 qof oo lala xiriiriyay argagixisanimo

Dowladda dalka Ciraaq ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay 21 qof oo lagu helay dembiyo ah ka mid ahaanshaha kooxaha argagixisada.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaas.
Xukunkan ayaa lagu sheegay midkii ugu horreeyay ee si wadar ah loo fuliyo tan iyo 2017-kii xilligaas oo dowladda Ciraaq ay ku dhawaaqday in ay ka adkaatay kooxda Daacish.
Dadka la daldalay waxaa ka mid ah kuwo ku lug lahaa weerarro ismiidaamin oo ka dhacay magaalada waqooyi ee Tal Afar oo dhowr qof ay ku dhinteen.
Bayaanka wasaaradda arrimaha gudaha ayaan faahfaahin dheeraad ah looga bixin macluumaadka shakhsiyaadka xukunkan lagu riday iyo dacwadaha gaarka ah ee lagu soo oogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here