Ciribtirka iyo Shaqaaqooyinka ka Dhanka ah Haweeenka

Barnaamijkaan Gaarka ah waxaan ku eegeynaa Sida ugu sahlan ee lagu Ciribtiri karo Gudniinka fircooniga iyo Guud ahaan Tacadiyada loo geysto Haweenka.

Sida laga warqabo guud ahaan caalamka gaar ahaana dalalka hada soo koraya waxaa saameyn balaaran ku leh Gudniinka Fircooniga, Guurka qasabka, Guurka deg dega ah iyo waliba Gacan qaadka loo geysto haweeka, Sidoo kale barnaamijka ayaa waxaa diirada lagu saarayey Halka uu marayo qoraalka Sharciga ka dhanka ah gudniinka fircooniga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo ay Wasaarada Haweenka, Arimaha qoyska iyo xuquuqul insaanka hormuud u tahay sharcisameynta ku saabsan gudniinka fircooniga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

Arimahaan ama Tacadiyadaan aya waxaa ay saameyn dhan waliba ah ku yeeshaan jiritaanka qoyska iyo mida gaar ahaaneed ee shaqsiga falalkaa foosha xun loogeystay. Hadii ay noqon laheyd dhan caafimaad iyo dhan hormar shaqsiyadeed.

Barnaamijka Waxaa ka qeebgalay Saraakiil ka kala socota, Wasaarada Haweenka, Arimaha Qoyska iyo Xuquuqul insaanka Jubaland, Wasaarada Garsoorka Cadaalada iyo Arimaha Diinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here