Ciyaartoy geysatay kufsi wadareed oo horay loo xukumay oo markale la maxkamadeenayo

Maxkamadda sare ee dalka ayaa amartay in dib loo maxkamadeeyo ciyaartoydii hore ciyaarta Rugbyga ee dalka Frank Wanyama iyo Alex Obara oo horey loogu xukumay in ay geysteen kufsi wadareed.
Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale amartay in shakhsiyaadkan loo wareejiyo Saldhigga Booliska ee Kilimani si ay u diyaar garoobaan dacwada iyadoona la dhageysan doona 7-da bisha July ee sannadkan.
Kiiska ayaa loo gudbiyay maxkamadda hoose si ay u dhageysto.
Bishii Ogosto ee sanadkii hore, Garsooraha maxkamada Milimani Martha Mutuku ayaa labadaan nin ku xukuntay 15 sano xarig ah midkiiba.
Waxaa lagu eedeeyay in ay kufsadeen haweeney magaceeda lagu sheegay WA 10-kii bishii Feberaayo ee sannadkii hore xili ay kusugneed guri ku yaalla xaafadda Highrise ee magaaladatan Nairobi.
WA ayaa sheegtay inay uur leedahay taas oo ay ka qaaday kufsi wadareedkii loo gaystay.
Waxaa ay dhanka kale sheegtay inay ka faa’iidaysteen xaaladdeeda caafimaad oo xiligaasi liidatay.
Ragaan ayaa qirtay in ay falkaasi geysteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here