Ciyaaryahaan can ah oo ka tirsan Manchester United oo laga helay Corona Virus

Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba laga helay xanuunka Korona kadib markii uu ku soo laabtay tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga khadka dhexe ayaa todobaadkan ku soo laabtay tababarka kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.
Laakiin kadib baadhitaankii la sameeyay ka hor inta ayna xiddiguhu tababarka bilaaban ayaa lagu ogaaday in uu xiddigu qabo xanuunka Korona.
Sidaas darteed Paul Pogba ayaa sidoo kale laga reebay Liiska xulka qaranka France ee bilowga bisha dambe ciyaari doona kulamada heerka caalami.
Haatan xiddiga khadka dhexe ayaa karantiil gali doona muddo 14 maalin ah ka hor inta uuna tababarka kooxdiisa Man United dib u bilaaban.
Paul Pogba ayaa haatan seegi doona labada kulan ee uu xulka qaranka france la ciyaari doona xulalka Sweden & Croatia bisha September ee soo socota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here