Codadkii laga dhiibtay doorashadii Guinea Bissau oo weli socoto

Voting officials start counting votes at a polling station in the popular Bairro Militar area of the capital Bissau, in Guinea-Bissau on November 24, 2019. - Guinea-Bissau voted in a presidential election on November 24 which is hoped to solve a long-running leadership crisis in the coup-prone and impoverished West African country. The vote caps four years of political chaos as the incumbent president -- who is running for re-election -- repeatedly sacked prime ministers and clashed with the parliament. (Photo by JOHN WESSELS / AFP)

Waxaa weli la tirinayaa codadkii ay shacabka dalka Guinea- Bissau ka dhiibteen doorasho madaxtinnimo oo halkaasi ka dhacday.
Madaxweyne Jose Mario Vaz oo 61 san jir ah ayaa doonaya in mar kale la soo doorto si uu hoggaanka wadankaasi u sii hayo 5 sano oo dheeraad ah.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in dalkiisa ay dimuqaraadiyad ka jirto sidaasi awgeedna uu oggolaan doono natiijada soo baxdo.
Natiijada hor dhaca ah ayaa la filayaa inay soo baxdo 28-ka bishan 11-aad.
Waxaa la rajeynayaan in doorashada ka dhacday Guinea -Bissau ay xasilooni horseeddo kaddib sannado badan oo uu isqabqabsi siyaasadeed jiray.
In ka badan 760,000 qof oo codbixiyayaal ah ayaa horay isugu diiwaangeliyay inay ka qeyb qaataan codeynta shalay qabsoontay
12 musharaxiin oo dhammaantood rag ah ayaa tartan ugu jiro inay qabtaan hoggaanka ugu sarreeya ee Guinea-Bissau.
Dalka Guinea-Bissau ayaa waxaa tan iyo sannadkii 1974-tii saameeyay ilaa sagaal isku dayo afgembi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here