Coronavirus oo saameeyay dalxiiska Thailand

Maamulka dowladda Thailand u qaabilsan arrimaha dalxiiska ee TAT ayaa shaaca ka qaaday in bishii labaad ee sannadkan uu hoos u dhac dhan boqolkiiba 44.3% ku yimid tirade dalxiisayaasha.
Arrintan ayaa loo aaneeyay caabuqa Coronavirus ee qaar ka mid ah wadamada caalamka saameynta ku yeeshay.
Tirada dalxiisayaasha Shiinaha ayaa yaraatay boqolkiiba 85.3%.
Guddoomiyaha maamulka TAT, Yuthasak Supasorn ayaa shir jaraaid oo uu qabtay arrimahan ka sheegay isagoo xusay in dalxiisayaasha ugu badan ee Thailand inay ka imaan jireen Shiinaha oo ah halka uu firuusiga ka soo billowday ka hor inta uunan sii fidin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here