Covid-19 oo walaac ka abuuray Maraykanka

Waxaa sii kordhaya walaaca la xiriira caabuqa Corona ee gudaha Maraykanka.
Tani ayaa timid kaddib markii 22 ka mid ah gobollada dalkaas ay si toddobaadla ah u diiwaangeliyeen kiisaska fayraska oo sii kordhay.
Guud ahaan caalamka ku dhawaad 7.2 milyan oo qof ayuu fayraska haleelay.
Waxaa cudurka Covid-19 guud ahana dunida ugu dhimatay ilaa 409,000 qof sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha ku soo kordhaya cudurka.
Dhimashada ugu badan ee ka dhalatay Covid-19 ayaa laga diiwaangeliyay Maraykanka , Ingiriiska iyo Brazil halka Ruushka laga diiwaangeliyay xaalado badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here