Cuba oo dhakhaatiir u dirtay Koonfur Afrika

Dowladda Cuba ayaa lagu soo warramayaa inay howlwadeeno caafimaad oo dhan 216 u dirtay dalka Koonfur Afrika si ay gacan uga gaystaan la tacaalidda cudurka Covid-19.
Wasiirka caafimaadka ee wadanka Koonfur Afrika Zweli Mkhize ayaa sheegay inay micno weyn u leedahay saraakiisha caafimaad ee lagu taageeray.
Koonfur Afrika waxaa laga diiwaangeliyay kiisaska coronavirus oo gaaraya 4,361 waxaana u dhintay 86.
Cuba ayaa wadamo kala duwan oo qaar ka mid ah ay ka tirsan yihiin qaaradda Afrika gaysay ilaa 1,200 oo dhakhaatiir ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo gudaha dalka Cuba laga xaqiijiyay 1337 oo ah kiisaska caabuqa coronavirus halka 51 qof ay u dhinteen cudurka covid-19

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here