Cudurka Corona Kenya oo sii xawli ah ku sii kordhaya

667 qof oo kale oo Kenya ku nool ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’, ka dib markii 24-kii saac ee la soo dhaafay baaritaan caafimaad lagu sameeyay 5,075.
Tani waxay sare u qaadday tirada guud ee kiisaska la xaqiijiyay ee dalka taas oo gaartay 16,268.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sida caadada u ahayd maanta shaacisay warbixinteeda maalinlaha ah ee xanuunka COVID19, iyada oo sheegtay in ismamaulka Nairobi uu hogaaminayo kisaska maanta waxaana laga helay 387 kiis.
311 qof ayaa ka soo kabsaday fyruska taas oo gogsashada guud ka dhigtay 7,446 halka dhimashaduna ay gaareyso 274 ka dib markii maanta la xaqiijiyay dhimasho dheeraad ah oo gaaraysa 11.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here