Cudurka Corona Virus oo kusii fidaya wadamo badan

Waxaa sare u sii kacday tirada wadamada uu ku faafayo caabuqa Coronavirus ama COVID-19 guud ahaan caalamka.
In ka badan 2,800 oo qof ayaa u dhimatay caabuqan cusub oo ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.
Hay’aada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in cudurkan uu soo ritay dad gaarayo 82,000 guud ahaan caalamka.
Dalka Baxrayn ayaa sheegay in tirada dadka uu soo ritay caabuqan ay gaartay 33, wadanka Estonia ayaa sido kale sheegay in maanta qofkii ugu horeeyay lagu arkay Coronavirus.
Wadanka Greece ayaa laga soo tabiyay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqan iyada oo ay dalka Iran tirada dadka u dhintay ay gaartay 22 halka uu 141 qof soo ritay.
Waxaa jiro 12 qof oo dalka Talayaaniga ugu dhintay cudurka COVID-19 iyadoo 447 kiis la xaqiijiyay.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhankeeda shaaca ka qaaday in labo kiis oo cusub la diiwaan geliyay iyadoo tirada guud ka dhigeeysa 15.
Dalka Ciraaq tirada dadka uu soo ritay caabuqa ayaa gaartay 6 qof.
Kuuriyada Waqooyi ayaa dib u dhigtay mudadii dib loogu laaban lahaa iskuulada si looga hortago cudurkan.
Dalalka kale ee dhawaan lagu arkay kiisaska cudurkan ayaa waxaa kamid ah Denmark, Oman,Pakistan, Norway, Sri Lanka iyo Nepal.
Hay’aada caafimaadka ee addunka ayaa sheegtay in markii ugu horeeysay uu cudurka gaaray meel ka baxsan Shiinaha halkaas oo uu ka soo bilawday.
Dhanka kale Saraakiisha magaalada Qianjiang ee gobolka Hubei, dalka Shiinaha ayaa balan qaad u sameeyay shacabka ku nool halkaasi.
Dadka ku nool magaaladaasi oo dhan 1 milyan oo qof ayaa loo ballan qaaday in abaal marin ahaan loo siin doono 10,000 oo Yuan una dhiganta 1,425 doolar qofkii soo sheega kiisaka cudurka Coronavirus.
Magaaladan ayaa 150 kilomitar u jirta magaalada Wuhan oo uu ka dilaacay Caabuqa waxaana ila iyo hadda la xaqiijiyay 197 kiis.
Gobolkan Hubei ayaa waxaa laga diiwan geliyay 65,000 oo kiis iyada oo dhimashadu dhan tahay 2,600.
Dhanka kale dawladda Hindiya ayaa billawday inay soo daad gureeyso muwaadininteeda ku nool magaalada Wuhan waxaana ila iyo hada la soo qaaday dad dhan 76 qof.
Dhawaan, Shiinaha waxaa laga diiwaan galiyay 433 kiis oo cusub iyo 29 dhimasho ah.
Cudurkan ayaa si xawli ah ugu fidaya wadamada caalamka iyada oo Kuuriya Koonfureed laga soo tabiyay boqolaal kiis oo cusub taas oo tirada guud ka dhigaysa 1,766.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here