Cudurka Coronavirus oo fara ba’an ku haya dalalka caalamka

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ama COVID-19 guud ahaan caalamka ayaa sii kordheysa.
Cudurkan oo bishii Disembar ka soo bilawday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa waxaa uu ku fiday dalal badan oo kamid ah caalamka.
Hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shaaca ka qaaday in tirada dadka u dhintay caabuqan ay gaareen in ka badan 3,000oo qof halka tirada dadka uu soo ritay ay dhan tahay 92,000.
Shiinaha ayaa xaqiijiyay in ila iyo taariqdu markay ahayd 3-dii bishan dad dhan 80,151 uu soo ritay cudurkan halka 3,000 ay ugu dhinteen gudaha dalkaasi.
Dalalka kale ee kiisaska cusub lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Afghanistan, Algeria, Andorra, Argentina iyo Armenia.
Dalka Iiraan tirada dadka uu soo ritay cudurkan ayaa dhan 2,336 halka dhimashadu ay gaartay 77 sida ay sheegtay wasaaradda caafimadka ee dalkaasi.
Wadanka Taliyaaniga oo ah kan sida weyn uu u saameeyay cudurkan qaaradda Yurub waxayna dhimashasu gaartay 79 halka tirada dadka uu soo ritay ay dhan yihin 2,260.
Hay’aada caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda ugu baaqeysa wadamada caalamka inay dadaalkooda laba jibaaran.
Dhawaan ayay ahayd markii Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ay soo saartay digniin ku aaddan inuu jiro gaabad la xiriira qalabka caafimaadka ee lagula dagaalami karo caabuqa coronavirus
WHO ayaa shirkadaha iyo dowladaha kala duwan ee caalamka ka dalbatay inay boqolkiiba 40 kordhiyaan qalabyada caafimaadka ee ay sameyaan.
Bangiga adduunka ee World Bank ayaa dhankiisa shaaciyay inuu dhaqaale dhan 12 bilyan oo doolar ku caawin doono wadamada la daala dhacaya wax ka qabashada cudur sidahan dunida ku fiday.
Waxaa Caabuqa Coronavirus iyo cudurka uu sababo ee COVID -19 uu saameeyay duulimaadyada , dalxiiska iyo waaxyo kale tani oo halis gelisay rajada kobac dhaqaale ee caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here