Cudurka Coronavirus oo ku sii faafaya dalalka caalamka

Waxaa sare u kacday tirada wadamada uu ku faafayo cudur sidaha Coronavirus ama COVID-19 guud ahaan caalamka.
Tirada ayaa kor u sii kacaysa iyada oo qaar kamid ah wadamada Afrika uu kusii fidayo caabuqan.
Dalka Senagaal ayaa lagu arkay qofkii ugu horeeyay oo qabaa caabuqan, kaas oo lagu sheegay nin kasoo safray dalka Fransiiska.
Wadanka Masar ayaa sid kale lagu arkay qofkii labaad oo qaba cudurka Coronavirus.
Dalalka kale ee Afrika ee lagu arkay COVID-19 ayaa waxaa kamid ah Nigeria, Algeria iyo Tunisia.
Waxaa Maraykanka laga soo sheegaya in laga diiwaangeliyay dhimashada 6 qof oo uu noloshooda galaaftay caabuqa Coronavirus.
Dawladda Fransiiska ayaa albaabada isugu dhufatay qaar kamid ah iskuulada dalkaasi si loo xakameeyo faafida cudurkan faraha kasii baxaya.
Waxaa la xiray iskuula gaaraya 120 iyadoo kiisaska cudurkan uu gaaray 191 dalka Fransiiska.
Jarmalka ayaa sido kale laga soo tabiyay 31 kiis oo cusub iyadoo guud ahaan tirade ka dhigaysa188.
Rai’isul wasaaraha Ukraine ayaa sheegay in kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus lagu arkay dalkaasi.
Wasaaradda caafimaadka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegaty in qofkii ugu horeeyay oo qaba cudurkan lagu arkay gudaha dalkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in qofka uu ku dhacay cudurka Corona uu yahay muwadin u dhashay dalka Sacuudiga balse ka yimid dhanka Iiraan.
Kuuriyada Koonfureed ayaa ah wadanka labaad ee uu aadka u saameeyay cudurkan marka laga soot ago Shiinaha iyada oo ay gaartay tiradii ugu badneyd oo ah 5,186.
Shiinaha oo laga soo tabiyay tiradii ugu hooseeysay tan iyo bishii Janaayo, ayaa waxaa uu sheegay in uu karantiili doono dhamaan dadka ka imanaya wadamada Kuuriyadda Koonfureed, Japan, Iiraan iyo Taliyaaniga.
Tirada guud ee dadka uu soo ritay caabuqan guud ahaan dalka ayaa dhan 90,000 halka dhimashadu ay gaartay 3,110.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa dhankeeda wadamada dunida ugu baaqaysa inay dadaalkooda laba jibaaraan.
Agaasimaha guud ee WHO ,Tedros Adhanom ayaa soo jeediyay in mudnaanta koobaad la siiyo sidii looga hor tagi lahaa inuu caabuqan sii faafo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay suurtagal tahay in firuusigan la xakameeyo hadii si weyn la isaga kaashado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here