Cudurka covid 19 oo maanta dad ugu dhimanin dalkani Kenya

Waxaa manata gudaha dalka Kenya 24-kii saac ee la soo dhaafay laga diiwangaliyay 151 kiis oo Corona Virus ah ka dib markii cudurka laga baaray dad gaaraya 2,552.
Tirada xaaladaha guud ee dalka waxay marayaan 35,356.
Tan iyo xiligii uu xanuunkan dalka ka dilaacay waxaa baaritaan lagu sameeyay 479,697.
Xog’hayaha cafaimaadka ee dalka Dr. Rashid Aman ayaa shaaciyay in 173 qof ay ka soo kabsadeen COVID19 taas oo bogsashada guud ka dhigaysa 21,483.
Maanta dalkani Kenya wax dhimasho oo Corona Virus ah laga diiwangalin balse wali inta qofood ee u geeriyooday waxay marayaan 599.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here