Cudurka Ebola oo laga soo tabiyay Uganda

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in hal kiis oo la xariira cudurka Ebola la xaqiijiyay in lagu arkay wadanka Uganda.
Xanuunkan ayaa laga dabiibayaa wiil 5 sano jir ah waana dhacdadii ugu horreysay ee laga soo tabiyo dalka Uganda tan iyo markii caabuqa Ebola uu ka dillaacay jamhuuriyadda dimuqaradiyadda Congo ee DRC.
WHO ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in canugan uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Congo waxaa uuna Uganda tagay bishan gudaheeda kaddib markii qoyskiisa ay halkaasi u wareegeen.
Wasaaradda caafimaadka ee Uganda iyo hay’adda WHO ayaa khuburo caafimaad u diray magalaada galbeed ee Kasese si dabagal loogu sameeyo kiiska oo loo daweeyo dadka ay suurtagalka tahay inay la kulmeen wiilka uu cudurku soo ritay.
Saraakiisha caafimaadka ee Uganda ayaa heegan sare ku jiray tan iyo markii in ka badan 2,000 oo ah kiisaska cudurka Ebola laga soo tabiyay Congo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here