DHAGEYSO:Askari qof Shacab ah ku dilay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda MaamulkaGalmudug ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee Magaaladaasi dhuusamareeb.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga dilka geystay uu ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.
Dilka ayaa yimid ka dib markii muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka Shacab ah ee la dilay.
Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidanka Ammaanka ayaa ku howlan soo qabashada Askariga dilka geystay oo la sheegay inuu goobta ka baxsaday.
Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan nabadaynta Maleeshiyaad ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Mudug oo shirar dib u heshiisiin ay uga furmeen Magaalada Galdogob ee gobolkaasi.
Wasiirka Tamarta iyo Khayradka ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay muhiimad gaara siinayaan arimaha la xiriira Nabadaynta Beelaha ku dagaalama deegaanada gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here