Culimada Soomaaliyeed oo soo jeediyay inaan la is hoosgalin xaquuqda haweenka iyo qodobo Dastuuri ah.

Hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa waxay soo jeedisay inaan la is hoosgalin qodobadada Dastuurka Soomaaliya,Diinta Islaamka iyo qaranimada.
Sh Bashiir Axmed Salaad oo ka mid ah Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qodobada qaar ay jiraan hay’ado dibadu ka riixayaan kuwaasoo markii dhinacyo badan laga eego aan sida loo sheegayo u saxsanayn.

Wasiirka wasaarada Dastuurka ee dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa dhankiisa Culimada Soomaaliya ugu baaqay inay arimaha Dastuurka iyo diinta Islaamka ka hadlaan maadaama ay shacabka Soomaaliyeed qabaan shaki la xiriira arimaha Dastuurka iyo Diinta Islaamka sida ay isku waafaqsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here