Cummaan oo soo dhaweysay go’aanka ay Baxrayn ka qaadatay heshiiskii Imaaraadka iyo Israa’iil

Dowladda dalka Cummaan ayaa soo dhaweysay go’aan ka soo baxay dowladda Baxrayn oo ku aaddan heshiis ay wada saxiixdeen Israa’iil iyo dalka isku tagga imaaraadka carabta.
Labadan dhinac ayaa ku heshiiyay inay wanaajiyaan xiriirka ka dhexeya.
Waxay dowladda Cummaan sheegtay inay taageersan tahay go’aankii ay Jimcihii la soo dhaafay Baxrayn ee ay ku ogolaatay isafgaradka labo geesoodka ee dhacay.
Baxrayn ayaa noqotay dowladda labaad ee khaliijka ee la heshiiso Israa’iil kaddib imaaraadka.
Sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu tagay Cummaan.
Waxay isaga iyo madaxii Cummaan ee xilligaas Sultaan Qaaboos ka wada hadleen dadaallada nabadeed ee bariga dhexe.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here