Cummaan oo taageertay wadashaqaynta imaraadka iyo Israa’iil

Dowladda Cummaan ayaa sheegtay inay taageerayso go’aanka ay qaateen imaraadka iyo Israa’iil ee ku aaddan inay dib u cusbooneysiiyaan xiriirkooda.
Waxay intaa ku dartay inay rajaynayso in heshiiska uu kaalin weyn ka qaato xal nabadeed oo ka dhaqangalo bariga dhexe.
Wakaaladda wararka ee ONA oo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Cummaan ayaa sidatan ku warramaysa.
Wasaaradda ayaa heshiiskan ku tilmaantay mid taariikhi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here