Cuno yari laga cabsi qabo inay dalka soo foodsaarto

Hay’adda laanqeerta cas ee dalka ayaa shaaca ka qaadday inuu jiro walaac ah in Kenyaanka ay cuno yari soo foodsaarto maadaama roobabka culus ee ka da’aya qeybo ka mid ah wadanka ay saameyn ku yeesheen wax soo saarka beeraha.
Kenya Red Cross ayaa sheegtay inay biyaha waxyeelleyeen ugu yaraan 6000 oo eekar oo dhul dalag lagu beeray.
Waxay arrintan si gaar ah u taabatay beeraleyda ismaamulka Trans Nzoia oo aad ugu raja weynaa inay ka faaiidi doonaan wax soo saarka in muddo ah ay ku howlanayeen.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa xusay in sannadkan xaaladdu ay aad u cakiran tahay maadaama abaar iyo roobab ay labaduba jireen.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo waaxda qaabilsan saadaasha hawada ay sheegayso in la filayo in roobabka culus ee da’aya ay sii jiraan ilaa dhammaadka bishan 12-aad ee Diseembar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here