CXD oo Dagaal ku Dhexmaray Magaalada Muqdiho.

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkiinley, waxaa halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidan ka wada tirsan Militariga Somaliya.

Dagaalkaan oo aan la ogeyn rasmi ahaan waxa sababay, ayaa waxaa la sheegay Ciidan degan Xaafadda Xoosh oo Militari ah inay weerar ku qaadeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Militariga sidaasina dagaalka uu labada dhinac ku dhexmaray.

Wararka ayaa sheegaya in hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga dowladda uu ku dhintay dagaalkaasi sidoo kalena meesha lagu dagaalamay uu yaalo gaari Cabdi bile ah oo ay wateen Ciidankii weerarka soo qaaday.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Dharkiinley & Saraakiisha Ciidamada Booliska oo gaaray goobtii lagu dagaalamay ayaa halkaasi ku soo arkay maydka Askariga ka tirsan Ciidamada Militariga ee halkaasi lagu dilay & gaari meesha yaallo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Ciidamada dagaalamay Koox ka mid ah inay hoostagaan Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo Militariga ka tirsan, halka Ciidanka kale uu watay Sarkaal isna magaciisa lagu soo koobay Siidii.

Xaaladda goobtii lagu dagaalamay ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta laga qaaday Askarigii la dilay oo loo qaaday Xarunta Dambi Baarista Booliska Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here