Daadad saameeyay galbeedka dalka oo sababay dhimashada 4 qof

Fatahaado ku dhuftay afar ka mid ah ismaamullada ku yaalla gobolka galbeed ee dalka ayaa ayaa barakaciyay ilaa 50,000 oo qof.
Isku duwaha ammaanka ee gobolkaas ,Ann Ng’etich ayaa sheegtay inay dhibaato soo gaartay 9,617 qoys oo ka kooban 57,701 xubnood.
Tani ayaa tirada guud ee barakacayaasha galbeedka wadanka ka dhigaysa 108,403.
Ugu yaraan 7 qof oo uu arday ka mid yahay ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen.
Daadadka ayaa ka dhashay roobab culus oo ismaamulladaas ka da’yay saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay.
5 ka mid ah dadka dhintay waxay ka soo jeedaan dowlad deegaanka Bungoma labada kalena Busia.
Waxaa burburay 11 buundo oo ku kala yaalla ismaamullada Kakamega iyo Bungoma.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here